Weriye Lagu Toogtay Badhtamaha Magaalada Amasterdan ee dalka Holland

Weriye caanka ku ah denbi baadhista ee Peter R de Vries oo u dhashay dalka Holland ayaa si culus loo dhaawacay ka dib markii lagu toogtay waddo ku taal magaalada Amsterdam.

Booliiska ayaa sheegay in weriye Peter R de Vries cisbitaalka loo qaaday asagoo ku jira xaalad adag ka dib markii fiidnimadii Talaadada lagu toogtay faras magaalaha Amsterdam.

Warbaahinta qaranka ee NOS ayaa sheegtay in la soo weeraray ka dib markii uu ka soo muuqday barnaamij lagu sheekeysto oo ka baxa TV-ga.
Booliska ayaa codsanaya markhaatiyaasha iyo muuqaalka CCTV ee toogashada, balse waxay dadka ka codsadeen in waxyaabahaas aanay la wadaagin baraha bulshada.

Booliiska ayaa badigoobaya nin cad oo caato ah, oo xidhnaa jaakad cagaaran iyo koofiyad madow.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker