Darawal Soomaali ah oo ku geeriyooday Shil Baabuur Oo ka Dhacay dalka Mareykanka.

Waxaa shil baabuur ku dhintay darawal Soomaali ah oo waday baabuurta waaweyn ee loo yaqaano (truck) ee u kala goosha magaalooyinka iyo goboladda dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa ka dhacay wadada weyn ee 94-ka ee magaaladda Chicago, gobolka Illinois. Wadada uu shilka dhimashadda sababay ka dhacay ayaa ah wado goboladda dalka Mareykanka looga kala goosho oo dhex marta magaalooyin waaweyn.

Haddaba Dilawarka Soomaaliga ah ee shilka ku dhintay ayaa Allaha u naxariisto ee lagu magacaabay Maxamed Cali Jamac. Marxuunka ayaa ahaa Aabbe afar carruur ah iyo xaas gobolka Minnesota deggen ka tagay. Waxaa weli socda baadhitaan la xiriira sababta keentay shilka iyo sida ay wax u dhaceen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker