Maxkamadda Degmada Gabiley Oo Xukuntay Dad Lagu Qabtay Cuntooyin Dhacay Oo Ay Taariikhdeeda Cusboonaysiinayeen Si Ay Dib Ugu Iibiyaan

Maxkamadda Gobolka Gabiley ayaa Shalay Xukuntay in la gubo Khamri qabtay, Daawooyin iyo Sharaab dhacay oo la qabtay iyadoo Ganacsadii lahayd Taariikhda ka beddelayaan si ay Dadka uga iibiyaan.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada  Gabiley Cabdikariin Cumar Cabdi, oo ka hadlayey khamriga iyo Alaabooyinka kale ee ay amreen in la gubo ayaa yidhi “Halkan waxaynu ku gubaynaa Khamri dhan 538 Litir iyo 150 Kartoon oo iskugu jira Cunto, Nac-nac, sharaab iyo Kiniinka loo yaqaanno Fiyaagaro oo ah noocyada Dawada ka mid ah iyo Dawooyinka la ismariyo, dhammaan Alaabtaas oo dhaaftay wakhtigii loogu talo-galay, taas oo Taariikhdeeda la cusboonaysiinayey.”

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Khamriga aanu halkan ku daadinayno ee aanu Dadkii lagu qabtay Xukumayno waxa Annaga nagaga sii xun, ka Wakhtiga ka beddelaya Cuntooyin dhacday ee Tukaannada dib u dhigaya ee Qaybaha kala duwan ee Bulshada ka iibinaya. Dhammaan xukunsanayaashu waxay ku jiraan Xabsiga.”ayuu yidhi, inkasta oo aanu sheegin Tirada Dadka lagu qabtay Waxyaabaha inta la qabtay la gubay Shalay.

 

 

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Gabiley oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Alaabtan waxa ku jira kuwa dhacay 2011-kii, waxa ku jira kuwo dhacay 2013-kii, waxaana Booliisku soo qabtay iyadoo Gaadiid lagu raray si looga dhigo Alaab cusub, si Ummadda loogu sameeyo khiyaamo ayaa Booliisku soo qabtay. Khamriga waxa lagu qabtay Allaybaday iyo Gabiley, ka dib markii Gacan laga helay Shacabka.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker