Guddoomiye Cirro Oo Reer Awdal Uga Mahad Celiyey Taageerada Ay Isla Barbar Taageen Xisbiga Waddani

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ah ayaa ka qayb galay munaasibad ka qabsoontay magaalada Boorama oo lagu shaacinayay12 kamid ah Musharraxiin Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka uga tartamaya Xisbiga.

Guddoomiye Cirro oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Musharraxiin-taas, waxaanu sheegay inay yihiin Rag xul ah oo qaranka Somaliland taariikh weyn ku leh “ Anniaga iyo waftiga aan hoggaaminayo iyo madax-dii gobolka joogtayba waxa sharaf weyn u ah in aan hortiina idinlkaga guddoomo 12-kaa muddane ee aad u soo sharax-deen Golaha Wakiillada iyo golaha degaanka,raggaa aad u soo sharrax-deen golaha wakiillada iyo golaha degaankaba,waa labeentii gobolka ,waa rag qiimo leh oo taariikhda Somaliland in badan oo kamid ahi ay ku suntan yihiin oo laga wadda garanayo gobolka Awdal iyo geyiga Somaliland oo dhan, “

Waxaanu Guddoomiye Cirro uu intaas ku daray “Waxaad soo bandhigteen runtii dadkii meteli lahaa gobolka haddii ay tahay caasimadda Boorame iyo haddii ay tahay heer Qaran-ba ,waxaynu u baahanay in aynu is garab taagno,si wanaagsan ula shaqayno codkeena siino ,wakhti gaaban ayaan ka hadhay doorashadii in mudda’daa la dul qaato oo aad iyo aad loo shaqeeyo,waxa aan ku rajo weynahay raggaa aad u soo sharrax-deen golaha Wakiillada iyo golaha degaankaba insha allaahu inay guulaysan doonnaan.”ayuu sheegay

Dhanka kalene Guddoomiye Cirro ayaa uga mahad-naqay reer Awdal Taageerada ay la bar-bar taagan yihiin Xisbiga WADDANI “Waxa aan uga mahad-naqayaa gobolka Awdal iyo reer Boorama taageeradii muga lahayd ee xiligii doorashadii Madaxtooyadda aad siiseen anniga iyo Xisbigaba , maantana waxa aad xaqiijiseen in aan taageeradaas hoos u dhicin ee ay sii koradhay, aad ayaad u mahadsan tihiin,inta kuma eeka musharaxiinta aad soo bandhigaysaan,intan in leeg ama ka baddan beri “maanta” ayaa loo qaban doonna munaasabad oo kale ,waxa aan is leeyahay,waa la tartamayaa oo saddex-da Xisbi Qaran ayaa jira, lakiin haddii munaasabadda Berrina “ Maanta” raacdo ,waxa aan u malaynayaa inay labada Xisbi ee kale iska quusan doonnaan.”

Musharrixiinta isu soo taagay Golaha Wakiillada ee madaxda Xisbiga WADDANI s ka qayb gashay xafladdooda shaacinta ayaa kala ah

Mudane Maxamed Faarax Cabdi.
Mudane Mukhtaar X. Muxumed Faarax.
Mudane Idiris Xaashi Dharaar.
Mudane Cali Cige Mataan.
Mudane Daahir Maxamed Cawaale.
Mudane Cabdiqani Maxamed Aadan.
Prof Xasan Cumar Halas.
Golaha Deegaanka

Mudane Maxamed Aadan Suldaan.
Mudane Maxamed Ismaaciil Habane.
Mudane Yaasiin Maxamed Bulaale.
Mudane Xuseen Muuse Diixood.
Mudane Cabdirashiid Saleebaan Xuseen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker