40 Dhalinyaro ah oo lagu Xidhxidhay  Maamulka dowlad deegaanka Somalida Itoobiya

Jigjiga(OWN)- Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ayaa lagu eedeeyey xariga in ka badan 40 dhalinyaro ah oo laga qabqabtey Labadii Cishee lasoo dhaafay magaalada Jigjiga. Dadka deegaanka ayaa arinkaasi cabasho xoogan ka muujiyey oo sheegay in dhalinyaro aanan siyaasad ku shuqul lahayn laga dhex qabqabtey magaalada iyo guryahooda.
Abshir Axmed Shabeel oo ka mid ah dadka deegaaanka Somalida Ethiopia ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ku waraysatey khadka telefoonka ee dalkaasi Ethiopia.

 

Dhinaca kale, masuuliyiinta dowlada deegaanka Somalida Ethiopia, ayaa ayaguna sheegay in arinkaan uusan waxba ka jirin. Wasiirka Warfaafinta maamulka Somalida Ethiopia Idiris Ismaaciil oo isla Sahra Cabdi Axmed ay telefonka ku wada hadleen ayaa sheegay in dhankooda ay arrintan jawaab kasoo saarayaan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker