Diyaaradaha gaarka Loo leeyahay ee Nigeria oo ka Faaiiday Cudurka coronavirus

Shirkadaha Diyaaradaha gaarka Loo leeyahay ee waddanka Nigeria ayaa BBCda u sheegeen in labadii Todobaad ee ugu dambeeyay ay la soo gudboonaatay sare u kac dhinaca kirada diyaaradaha ah.

 

Arrintan ayaa imanaysaa xilli dalalka caalamku ay soo rogayaan xaddidaado dhinaca socdaalka ah si wax looga qabto faafidda cudurka coronavirus.

 

Laga bilaabo Sabtidii la soo dhaafay dadka ku sugan 13-ka dal ee uu cudurka coronavirus sida wayn u saameeyay ayaan Loo ogolayn inay soo galaan waddanka Nigeria.

 

 

Ururka ExecuJet oo ah dalad ay ku midaysan yihiin Shirkadaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee Nigeria, ayaa sheegay in kiraynta diyaaradaha galaya safarrada caalamiga ah ay laba laabmeen labadii todobaad ee la soo dhaafay.

 

 

Ururku waxa uu sheegay in howlwadeennadiisa ay iskudayayaan inay raacaan tallaabooyinka badqabka ee ay dhigeen Saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi.

 

Madaxa howlgallada ee Ururka ExecuJet, Victor Mbachi, ayaa sheegay in inta badan diyaaradahaas ay kiraystaan dad u dhashay waddanka Nigeria oo iskudayaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

 

Sidoo kale Wuxuu sheegay inay  jiraan dad ku sugan gudaha Nigeria oo Ajaanib ah oo iskudyaya inay diyaaradaha kiraystaan   Si ay uga Baxaan Dalkaasi .

 

 

Shirkadda diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee Stargate Jets ee uu fadhigeedu yahay magaalada Lagos taas oo duulimaadyadeedu ay tagaan gudaha iyo dibadda Nigeria.

 

 

Qof matalayay shirkaddaas ayaa BBCda u sheegay in shirkaddu ay sidoo kale aragtay “sare u kac aan caadi ahayn oo dhinaca kiraysiga diyaaradaha ah”.

 

 

Todobaadkii Shirkada waxay Caadi ahaan U Helijirtay ah dalab kiro oo u dhaxeeya hal ama laba, hasayeeshee labadii todobaad ee ugu dambeeyay, shirkaddu waxaa soo gaadhay dalabaad kiro oo u dhaxeeyay 10 ilaa 12.

 

 

Dadka dalka ku soo galaya diyaaradaha gaarka Loo leeyahay ayaa mara baadhitaanka qasabka ah kaasoo  la marsiiyo rakaabka soo galaya waddanka Nigeria.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker