Digniin kama Danbaysa oo loo Diray shaqaalaha Dawladda Somaliland

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, mudane Farxaan Aadan Haybe, ayaa uga digay shaqaalaha dawladdu darajaday doonaan ha lahaadeene in aanay ku milmin ololaha xilliga doorashada.

Sidoo kale waxaa looga digay inay qaataan astaamaga calaamaanta asxaabta Qaranka.

Guddoomiye Farxaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.” Waxaan uga digayna shaqaalaha dawlada darajo kasto ay leeyihiin inay ku milmaan , kana dhex ololeeyaan , calamaanta xisbiyada qaataan xisbi kasta ha ahaadee.

Doorashada ololeedu bilaabmayo 23 bisha oo ah maalinta beri ah , wasiirada , guddoomiyeyaasha gobollada , isu-duwayaasha hay’adda shaqaalaha dawlada waxaan u sheegayaa inay il gaara ku hayaan inta ololuhu socdo in shaqaale dawladeed ka qeyb galaan ololahaasi”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker