Dooxa Aw Barkhadle oo soo Rogmaday ayaa hakad-geliyay isu-socodka gaadiidka gobollada Dalka.

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Hargeysa iyo nawaaxigeeda, ayay ka soo rogmadeem daadad maray dooxyada qaar.

Dooxa Aw Barkhadle oo rogmanaya ayaanu soo istaagnay, kaas oo halad geliyay isu socodka gaadiidka gobollada dalka.

Waxa jiray gaadiid labada dhinacbabka taagna Dooxa, oo sida la sheegay qaarkood kowdii habeenimo oo daadku soo rogmaday taagnaa, inkasta oo ay jireen muddadii aanu taagneyn gaadiid tiro yar oo daadka isku miidaamiyay, balse kamay iman wax khasaare ahi, ALLENA waa uu ku nabadgelyay.

Gaadhiga aanu ku safray oo ka mid ahaa shirkada Basaska Daallo Group oo uu wade ka ahaa diwaral Cabdifataax Cawil, oo ahaa nin aad u taxadwr badan ilaa daadku gaadhay heer ay ka tallaabi karaan wuu taagnaa, ugu danbeyna waxa aanu ka gudibnay oo ILLAAHEY noo sikhiray afartii iyo afar iyo konton daqiiqo, ee habeenimo.

Dhinaca kale dhismaha biriishka Aw Barkhadle oo hawshiisu socoto ayaa noola muuqday inuu meel wanaagsan marayo, kaas oo lagaga raysan doono khasaaraha naf iyo maalba leh ee xilli roobaadka dooxyada lagala kulmo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker