Dawlada Turkiga oo Iska Difaacday eedayn Loo soo jeediyay oo ahayd inay Caawiso Muqdisho oo Qudha

Muqdisho (OWN) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa ka hadlay dhaliilaha maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku aadan, qaabka uu Turkigu u maareeyo gargaarka uu siiyo Soomaaliya.

 

 

Safiirka ayaa sheegay in eedeynta maamul goboleedyada ee ku aadan qaabka uu Turkigu u bixiyo gargaarka Soomaaliya ay marar badan soo gaartay, waxuuna sharaxay sababta ay kaalmadoodu ugu badan tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

“Eedeyntaasi waan maqalnaa marar badana waa naloo sheegay, waxaana dhihi karaa marna waa sax marna waa khalad, dhinacada saxda ah waatee? Dabcan howlaha samafal ee aan ka qabaneyno Soomaaliya xoogooda waxaan ka fulinaa Muqdisho, dhabtii waxaa jira sababo macquul ah, maxaa yeelay Muqdisho waa caasimadii, waana halka uu ka socdo dhismaha dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Mehmet Yılmaz safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

 

 

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Markii aan bilaabeynay howlgalladeenii bini’aadanimo, Muqdisho waxa ay aheyd halka ugu baahida badan dalka Soomaaliya, nasiib darro ma aanaa helin fursad aan gobol kasta oo Soomaaliya ah uga furi karno isbitaalka Erdogan oo kale, laakiin markii aan Muqdisho ka furnay, dadka ku nool gobollada kale ee Soomaaliya, si fudud ayey ku imaan karaan oo uga faa’iideysan karaan adeegyada caafimaad ee uu bixiyo.

 

 

“Marka caasimaddu waa miisaankii wax isku dheeli tirayey, hadii ay cageheeda ku istaagtana wadanka oo dhan ayaa cagihiisa ku istaagaya, sidaas darteed markii aan dhankaas ka eegno eedaha naloo soo jeediyay waa run, balse sababaha aan soo sheegay dartood kuma raacsanin eedaha naloo soo jeediyay dhamaantood, aragtida sheegeysa in gobollada kale ee Soomaaliya aanaa waxba ka qaban ma ahan mid sax ah”ayuu yidhi Danjire Mehmet Yılmaz.

 

 

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in howlaha samafalka ee Turkiga laga fuliyey gobollada kale ee Soomaaliya, sida Puntland iyo Somaliland oo eedeynta ugu badan ay uga timaado.

 

 

 

“Aragtida sheegeysa in gobollada kale aanaa wax ka qaban ma ahan mid sax ah, howlaha samafalka ee Puntland iyo weliba gobollada kaleba waa la fuliyey, ha yaraato ama ha badnaato meel kasta gargaarka waan gaarsiinay, waxaana ugu dambeysay musiibadii fatahaadda ee ka dhacday Beledweyne, waxaan ka mid aheyn dalalkii markii ugu horeysay u orday wax ka qabashada arintaas oo aniga ayaa boogday Beledweyne” ayuu yidhi.

 

 

 

Sidoo kale Danjire Mehmet waxa uu sheegay in eedo dhowr ah ay uga yimaadeen Somaliland, balse Turkigu uu ka fuliyey mashaariic dhowr ah, isla markaana hey’adda Tika iyo hey’adaha kale ee Turkiga ee aan dowliga aheyn ay howlo samafal ah ka fuliyeen gobollo dhowr ah.

 

 

 

“Waqti xaadirkan gobolka Sool, waxaan ka fulineynaa Mashruuc aan ku qodeyno seddax Ceel biyood, waxaana heer gaba-gabo ah maraya haatan tartanka qandaraasyada shirkadaha raba inay qodaan ceelasha, dabcan gobolkan Sool waxaa ka jira dhibaatooyin biyo la’aan ah oo aad u daran, dhibkaasna waxaa ka dhasha khilaaf dadka dhexdiisa ah. Mashruuca lacagta ku kaceysa waxay u dhaxeysaa 600 illaa 700 oo kun oo dollar-ka Mareykanka ah, sidaas darteed anaga gobol walba waxaan gaarsiinaa kaalmo” ayuu yidhi.

 

 

“Wayahan dambena Anaga oo Eegeyna Tabarteena ayaan isku daynay in aan xoogaa siyaadino caawimaada aan siino gobollada kale, waxaan sidoo kale dooneynaa in hey’adeheena kale ee aan dowliga aheyn ee NGO-yada aan ku jaheyno gobollada kale ee dalka, marka xaalka gargaarkeenu waa sidaa”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Mehmet Yılmaz safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker