Daawo: Warbaahinta Muqdisho Oo Laga Mamnuucay Tebinta Wararka Kalfadhiyada Baarlamanka.

Weriyeyaasha madaxa banaan ayaa laga mamnuucay iney warar ka soo tebiyaan kulamada kalfadhiga 6aad ee Golaha shacabka Soomaaliya oo maanta fadhigii ugu horeeyey yeelanaya.

Guddoomiye ku-Xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey ayaa warbaahinta madaxa banaan ku wargeliyay in weriyeyaasha aan loo ogolaan doonin inay warar ka soo tabiyaan xarunta golaha shacabka.

Qaar ka mid ah Weriyaashii saakay xaadiray goobta uu ka furmayo kulanka ayaa sheegay in Guddoonka baarlamaanka ay ku wargaliyeen in kulamada golaha wixii hadda ka dambeeyaa aan la ogoleyn warbaahinta madaxa banaan.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa saaka ku shaqo bilaabay xarunta cusub oo looga dhex dhisay Villa Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyadda Villa Somalia.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku eedeeyay goddoonada golaha iyo xukuumadda oo iskaashanaya in ay caburinayaan fadhiyada golaha sidaasna loogu soo raray gudaha Madaxtooyada.

Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa horay u diiday in warbaahinta madaxa banaan ay soo tabiso wararka ka jira gudaha Madaxtooyada qaranka, iyadoo taasi jirtayna waxaa hadda bilaabatay in warbaahinta madaxa banaan laga hor istaago tabinta wararka kulamada golaha shacabka.

Weriyeyaasha qaarkood ayaa ku eedeeyey Madaxtooyada Somalia iney la wareegtay howlihii tebinta wararka baarlamanka, ayna dooneyso warar la soo tifaftiray iney siiso Warbaahinta sida hadaba ka jirta xafiisyada Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha.

 

Warkaas oo Muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker