Sharci-Dejiye ka Baxay Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Maraykanka oo Madaxweyne isku Sharxaya

Justin Amash, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu isku diyaarinayo inuu ordo xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo ka socda xisbi saddexaad.

Amash ayaa horey uga baxay xisbiga Jamhuuriga sababo la xiriira khilaaf kala dhaxeeya madaxweyne Trump, wuxuuna kadib u codeeyey sharcigii la rabay in xilka looga xayuubiyo.

 

 

“Aynu sameyno arrintan,” ayuu yidhii sharci-yaqaankan aan xisbina ka tirsaneyn ee laga soo doorto gobolka Michigan, isaga oo ku dhowaaqaya guddi darsa musharaxnimadiisa.

 

 

Amash, oo tan iyo markii uu ka baxay xisbiga Jamhuuriga xagaagii 2019, aan xisbina ka tirsaneyn ayaa doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Libertarian Party, oo ah xisbi u ololeeya xuquuqda madaniga iyo in awoodda dowladda oo la xaddido.

 

 

“Waxaan diyaar u nahay madaxweynenimo soo celin doonta Dastuurkeena, iskuna keeni doonta dadka,” ayuu Amash kusoo qoray bartiisa twitter-ka.

Amash, oo 40 jir ah, ayaa noqonaya musharaxa saddexaad ee doorashada 3-da November, oo ay ku loolamayaan madaxweyne Trump oo Jamhuuri ah, iyo Joe Biden oo Dimoqraadi ah.

 

 

Waa wax ay adag tahay inay dhacdo in musharax ka socda xisbi saddexaad uu ku guuleysto doorashada madaxweynaha Mareykanka, hase yeeshee Amash wuxuu suurta-gelin karaa inuu wax ka beddelo doorashada.

 

 

Ma cadda cidda uu saameynta ku yeelan doono Trump ama Biden, oo dadka u codeynaya ay kasoo leexin dooonaan codadka.

Waxa uu taageero ka heli karaa xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa madax banaan ee aan jecleyn Trump. Wuxuu sidoo kale codad ka heli karaa Dimoqraadiga aan ku faraxsaneyn musharaxnimada Biden.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker