Soomaalida Ku Nool Dalka Zambia Oo Goob Laysugu Ururiyey Si Looga Mustaafurinayo Dalkaas

Dhacdo cajiib ah oo markii ugu horeysay  maanta   lagula kacay Soomaalida ku nool magaalada Indola ee Dalka Zambia kadib markii dad badan oo ka mid ah oo xittaa qeybtood si khasab ah looga soo qaaday guryaha ay degan yihiin dalkaas, Ciidamada booliska dalkaas ah kusoo aruuriyeen/isugu keeneen goob banaan oo ah dhisme garoon kubbaddeed, qof sharci ku jooga iyo mid aan sharci ku joogin dalkaas oo xittaa ay ku jireen qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn oo 30-kii sano ee lasoo dhaafey ku noolaa dalka Zambia.
Muuqaal kooban oo ay la wadaageen warbaahinta   xubno ka mid ah dadkii maanta la isugu keenay goob ku taala magaalada Indola waxay sheegeen in qof kasta laga qorayay magaciisa,sababta uu ku joogo iyo sharciga uu ka haysto dalkaas.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xadhig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka loo xummaaday.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker