Dal Yurub ka tirsan oo hor istaagay lacag mucaawino ah oo la gaarsiin lahaa Ukraine

Dalka Hungary ayaa xannibtay €50bn ($55bn; £43bn) oo EU ka caawin jirtay Ukraine – saacado uun ka dib markii la isku afgartay in la bilaabo wadahadalka xubinnimada.

“Nuxurka shaqada habeenkii: diidmada qayaxan ee lacagta dheeraadka ah ee Ukraine,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orban ka dib wadahadalkii Khamiista ee Brussels ka dhacay.

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa sheegay in wada xaajoodyada gargaarka ay dib u bilaaban doonaan horraanta sanadka soo socda.

Ukraine waxay si aad ah ugu tiirsan tahay dhaqaalaha Midowga Yurub iyo Mareykanka iyadoo sii wadda dagaalka ay kula jirto ciidamada Ruushka ee ku soo duulay.

Joojinta gargaarka ayaa waxaa ku dhawaaqay Mr Orban wax yar ka dib markii madaxda Midowga Yurub ay go’aansadeen in ay wadahadal xubinnimo ah la furaan Ukraine iyo Moldova iyo in Georgia la siiyo aqoonsiga musharaxnimada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker