Madaweyne Donald Trump Oo Sheegay In 100% La Jabiyey Dowladda Islaamka Ee Daacish

Madaweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhoweeyay jabkii kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee muddada ku sugnaa dalka Suuriya, wuxuuse ka digay in weli ay kooxdu tahay khatar.

Hadalka Mr Trump ayaa imaanaya kaddib markii xoogagga Kurdiyiinta ee Syrian Democratic Forces (SDF) ay sheegeen in ay soo afjareen kooxdii la baxday dawladda Islaamka ee ka dagaallamaysay Suuriya.

Dagaallamayaasha jabhadda SDF ayaa calanka guusha ka taagay magaalada Baghuz, oo ahayd magaaladii ugu dambaysay ee ay gacanta ku haysay kooxda jihaad doonka ahi.

Hase ahaate inta aanay dabbaaldagyadu bilaaban waxaa dhanka kalena jiray digniino ku aaddan in haraaga IS uu yahay khatar caalami ah.

Kooxaha jihaad doonka ah ayaa wali ka jira gobolka waxayna ku xooggan yihiin dalalka qaar lagasoo bilaabo Nigeria ilaa iyo Philippines.

Markii ay xoogganayd kooxda IS waxa ay maamuli jirtay dhul cabbir ahaan gaaraya 88,000 sq km (34,000 sq miles) oo katirsan Suuriya iyo Ciraaq.

Shan sano oo dagaallo kharaar ah kadib, xoogagga deegaanka oo ay taageerayaan quwadaha aadduunka ayaa waxaa u suurto gashay in ay IS ka qabsadaan dhammaan dhulkii ay haysteen marka laga yimaado dhul kooban oo kuyaal xuduudda Suuriya iyo Ciraaq.

Sidee u dhacay dagaalkii u dambeeyey?

Isbahaysiga SDF ayaa dagaalkii u dambeeyey horraantii bishaan la galay, haraadigii kooxda Daacish oo ku sugnaa magaalada Baghuz ee kutaal Bariga dalka Suuriya.

Isbahaysiga ayaa lagu khasbay in ay dagaalka qaboojiyaan kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in dad aad u fara badan oo rayid ah ay ku sugan yihiin halkaas. Isbahaysiga ayaana duqaynayey dhismeyaasha, teendhooyinka iyo godadka dhulka hoostiisa kuyaal.

Kumanaan isugu jira dumar iyo carruur, oo ay kamid yihiin kuwo dalal kala duwan u dhashay, ayaa ka cararay dagaalka, waxaana ku adkaatay sidii ay u gaari lahaayeen xeryaha qaxootiga ee ay maamulaan jabhadda SDF.

Qaar badan oo kamid ah dagaallameyaasha IS ayaa ka cararay magaalada Baghuz, balse kuwii ku haray halkaas waxay muujiyeen iska caabbin xooggan waxayna adeegsadeen bambaanooyin iyo gawaari ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa.

Xoogagga ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan ee Syrian Democratic Forces ayaa ku dhawaaqay in ay cagta mariyeen oo ay soo afjareen 100% wixii ka haray kooxdii la baxday dawladda Islaamka.

Asagoo xaqiijinaya guusha, ayaa General Mazloum Kobani oo kamid ah Jabhadda SDF waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawgallada kadhanka ah canaasiirta qarsoon ee IS. Kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin “Khatar wayn oo gobolka iyo caalamkaba ah”

Dadwladda Suuriya oo wacad ku martay in ay gacanta ku dhigayso dalka oo idil, ayuu ugu baaqay in ay ismaamul goboleed u aqaansato dhulka ay Kurdiyiintu maamulaan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo dhaweeyey guusha ay ku dhawaaqday jabhadda SDF, asagoo sheegay ” in la cirib tiray koox khatar wayn ku haysay dalkiisa”.

Raysul Wasaaraha UK ayaa soo dhawaysay warkaas oo ballan qaadday “in ay samaynayso wixii karaankeed ah” sidii ay u ilaalin lahayd dadka reer Britain.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker