Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Araday Ka Qalin Jebisay Dhakhtarka ilkaha (Dentists)

Waxaan maanta oo ah maalin Isniin ah 25/3/19 aan ka qayb galay xaflada balaadhan oo loo sameeyay 20 Araday oo 5 ka mid ahi ay ahaayeen hablo oo dhamaystay Caafimaadka ilkaha Dentists oo ka baxay jaamacada Edna Adan University Hargaysa.

 

Xafaladaas oo lagu qabtay Hotel Maansoor, Waxaa hogaaminayay  Hormoodka jaamacada Edna Adan University Hargaysa Dr. Mahdi Abdi Gaboose  Iyo Maamo Drs Edna Adan Ismail  oo ah Aasasihii jaamacada Edna Adan University. Iyo masuulin ka socotay xukuumada sida wasiir ku xigeenka caafimaadka,Agaasimaha Waxbarshada iyo Tacliinta sare.
Labada masuul  Dr Mahdi iyo Dr Edna oo hadal dheer halkaas ka soo jeediyay waxaan ka soo qaadanayaa erayo kooban;
Dr. Mahdi Abdi Caboose Waxa uu ka waramay tayada jaamacada iyo dhamaan Agabka waxabarsho ee caafimaada waxaan aad ugu qanacsanaha sida loo dhamaystiray baahida caafimaad iyo qalabkii looga baahnaa jaamacada in ay soo dhamaystiray Dr. Edna.
Drs.Edna waxay halkaas ka soo jeedisay hadal dheer oo runtii qiimo badnaa aadan loo dhegaystay. Waxaanse ka soo qaadan karaa .
Balan qaad ay u samaysay labadii Arday oo ugu sareeray oo waxabarasho wadanka dibadiisa ah ay u doonayso insha Alaha. Sidoo kale waxay ka codsatay xukuumada in ay waxa kala qabtaan laba Arday oo ka yimid gobolka Sanaag kuwaas oo ka fog ehelkoodii in loo doono guryo ay ku noolaadaan mudada ay shaqada helayaan.
Waxay sheegtay Drs Edna in mulkiilaha Ambassador Hotel uu isna balan qaaday Agabka guryaha loo dhigayo labadaas Arday.
Runtii qodob aan soo qaadan karo madashaas kama odhan madaxda xukuumada ee halkaas ka hadalay.
Guud ahaan waxa lagu soo afmeeray munaasabadaas farxada,duco iyo hambalyo.

Congratulations.
Mataan M Omar
Hargaysa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker