Diyaarad siday dad rakaab ah oo ku burburtay dalka Indonesia

Diyaarad Rakaaab ah oo laga leeyahay dalka Indonesiya oo ku jirtay duulimaadkeedii caadiga ee Jakarta iyo magaalada Bankol ee Jaziirada Soqadra ayaa maanta ku burbartay 13 daqiiqo kadib markii ay hawada gashay.

 

Wakaalada raadinta iyo badbaadada dalka Indonisiya ayaa soo warisay in daqiiqado kadib markii ay garoonka diyaaradaha Jakarta ka kacday Diyhaaradaasi ay Badda ku soo dhacday waxaana hadda socda gurmad.

 

Diyaaradda oo lagu magacaabo Lion Air ayaa waxaa saarnaa 189-rakaab, waxaana loo badinayaa in dhamaan  Rakaabkii Diyaaradaa saarnaa ay dhamaantood geeriyooden mana jiraan cadeymo muujinayo haddii ay jirto cid ka badbaaday.

Duuliyeyaashu waxay codsadeen in ay dib ugu noqdaan halkii ay ka kicitimeen (Saldhiga), wax yar ka hor inta aysan lumin xiriirka, ayuu yiri Yohanes Sirait, oo ah afhayeenka wakaaladda duulimaadka ee dalka.

Shilkan ayaa noqonaya masiibadii ugu xumayd ee ka dhacda Indonesia tan iyo markii  diyaarada Air Asia ay badda ku dhacday bishii December 2014-kii, iyada oo ay ku dhinteen 162 qof.

Waxaa Diyaaradda saarnaa 181 rakaab ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, iyo siddeed shaqaale oo saarnaa diyaaradaha Lion Air, sida ay sheegeen saraakiisha badbaadint yo samatabbixinta. Diyaarada ayaa la rumeeysan yahay inay dilaacday ka dib burburkii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker