Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL Oo Fariin U Diray Ganacsatada Somaliland

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa sheegay in hoos u dhigeen  qiimaha lacagta doolarka, si la iskugu dheeli tiro sarrifka lacagta iyo maceeshada kala duwan.

 

Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) waxa uu guud ahaan ganacsatada Somaliland u soo jeediyay baddeecadaha  ay bulshada ka iibinayaan ay ku sargooyaan qiimaha Shilinka Somaliland iyo ka doollarku halka ay marayaan.

 

Guddoomiyaha baanka Cali Ibraahim Jaamac  wuxuu  sheegay in siyaasadda baanka dhexe ay tahay in qiimaha sarifka doolarku aanu dhaafin sagaal kun oo shilin, isla markaana aanu marnaba hoos uga dhicin siddeed kun oo shilinka Somaliland ah.

 

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Baanka dhexe waxa uu munaasibada ciidal-fidriga awgeed hambalyo iyo bogaadanin u diray shaqaalaha laamaha kala duwan ee baanka dhexe iyo guud ahaan bulshada Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker