Dowladda Norway Oo Shaacisay Inay Aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

Dowlada Norwey ayaa shaacisay in ay aqoonsatay baasaboorka caadiga ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya, kadib markii  ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa sida ay ka sheegeen kulan ay la yeesheen masuuliyiinta Soomaaliya.

 

Munaasabad dowladda Norwey ku shaacineysay in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Naiarobi ayaa waxaa ka qeyb galay  Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safiirka Norwey u fadhiya Kenya.

 

Safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg ayaa munaasabada ka sheegay in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

 

“Hore waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diplomaasiga ah ee  Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bisha August kowdeeda” ayuu yidhi danjire Rønneberg.

“Waxaanu ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya aanu waxba ka beddelaynin shuruudaha  dal ku galka Norway.

Wasiirka Maamulka Muqdisho ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

 

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo AGaasime Koofi ayaa lagu gaaray” ayuu yiri Wasiir Cawad. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

Image result for somali passports

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker