Itoobiya oo Go’aanno cusub oo Heer-federaal ah Kasoo saartay Caabuqa COVID 19

Addisababa(OWN) Wasaarada caafimaadka heer fadaraal iyo macadka caafimaadka bulshada itoobiya oo maanta war-murtiyeed cusub soo saaray.

Wasiirka wasaarada caafimaadka heer fadaraal Dr. Lia Tadasse iyo maareeyaha macadka caafimaadka bulshada itoobiya Dr. Eba Abate, ayaa maanta war saxaafadeed ay siwadajir ah uqabteen ku shaacisay go’aano cusub oo ku aadan; Baadhitaanka iyo qaabka loo aasayo maydka, iyo arimo kusaabsan karantiilkii qasabka ahaa iyo inuu qofku gurigiisa isku karantiilo.

(1) Dhamaan Muwaadiniinta udhimata sababo kaladuduwan kuna dhinta goobaha caafimaadka iyo bulshada dhexdeedaba, waa in lasoo ogaysiiyo xirfadlayaasha caafimaadka, waxaana laga qaadayaa Naamuunaa (post Mortem sample test), waxaana loodiyaarinayaa qaab cilmiyaysan oo hoos loogu dhigayo khatarta haduu COVID-19 ka qabay inuu ugudbiyo dadka kale (Disinterested), waxaana udiyaarinaya xirfadlayaal caafimaad.
Kadibna iyadoon lasugin natiijada shaybaadhka ayaa lagu wareejinayaa ehelkiisa si ay iyagoon gurigii ku celinin si toos ah ugu qaadaan xabaalaha uguna aasaan goobta ay jecelyihiin, laakiin waa inayna dadka aaska ka qaybgalayaa kabadanin 50 qof.

F.G:- Sharcigii hore wuxuu dhigayay:
B) Maydka marka laga qaado Naamuunaaga in lasugu inta ay natiijadu kasoo baxayso, hadana taa waa laga saaray.
T) Maydka qofka lagahelo COVID-19 ka ama looga shikiyo, waxaa aasaya xirfadlayaal loo tababaray waxayna ku aasayaan goobo gooni ah. Kuwaasna waa labadalay.

(2) Dadka dalka dibadiisa kayimaada gaar ahaan kuwa diyaaradaha kuyimaada;
*Haday wataan warqad cadaynaysa in wadamaday kayimaadeen mudo 3 maalmood gudohood ah laga baadhay COVID-19 ka lagana waayay, waxaa laga qaadayaa Naamuunaa horle waxaana loo fasaxayaa inay guryohooda mudo 14 cisho ah isku karantiilaan.
*Hadayna wadanin warqadaas cadaynaysa in 3 maalmood gudohood lagaga baadhay COVID-19 ka lagana waayay, waxaa mudo 7 maalmood ah lagu haynayaa xarumaha karantiilka qasabka ah.

F.G:- Sharcigii hore wuxuu dhigayay qof kasta oo dalka dibadiisa kayimaada inuu 14 maalmood galaan xarumaha karantiilka qasabka ah. Hadana kuwana guryohooda inay joogaan ayaa loo fasaxay kuwakalana meeshii 14ka cisho ahayd ayaa 7 looga dhigay.

(3) Dadka lagahelay caabuqa Koroona fayraska een wax calaamad ah lahayn ama xaaladooda caafimaad sahlantahay ee hada kahor lagu haynayay goobaha caafimaadka ee lagu daweeyo bukaanka lagahelay COVID-19 ka waxay noqon doontaa:-
(B) Haday xaalada gurigiisu inuu meel gooni ah isku karantiilo oo xaaladiisa caafimaad lagula socdo Telefoonka ama lagu booqdo guriga, waa loo fasaxayaa.
(T) Hadayna suurto gal ahayn inuu gurigiisa isku karantiilo, waxaa lagayn doonaa xarumaha gooni usoocida iyo kuwa karantiilka (Isolation and Quarantine centres).

Sababta sidaas loo samaynayana waa: maadaama ay tirada dadka lagahelay COVID-19 ka een wax calaamad ah ama canuun ah aan lahayn aad u badantahay, goobta daawayntana loogu talo galay bukaan xaaladiisa caafimaad darantahay oo ubaahan in lasiiyo Ogsijiin iyo ventilators.

F.G:- Dhamaan qodobadan waxaa laga doolayaa hagayaal ama raad-raac (guidelines) loogu talagalay ooy soosaareen wasaarada caafimaadka itoobiya iyo macadka caafimaadka bulshada itoobiya oo raacaya ka hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO.

X/C/DDS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker