Xiddigii Caanka Ahaa ee Dalka Turkiga Hakan Sukur oo Dufuuftu ku Qasabtay Inuu Noqdo Dareewal

Halyeeyga kubada cagta Turkiga Hakan Sukur ayaa noloshiisa dib u dhisaya isagoo darawal u noqday shirkada taksiga ee Uber.

Weeraryahankii hore ee Xulka Turkiga Sukur oo 48 sanno jir ah ayaa ku nool Dalka Mareykanka ka dib markii laga soo Masaafuriyay dalkiisa madaama uu ka soo horjeestay madaxweynaha Turkiga Recep Edrogan.

 

Sukur ayaa sheegay in Aabihiis isna Xabsi la dhigay halka hantidii uu ku lahaa dalkiisa Turkiga la Xanibady taasoo keentay inuu u cararo dalka Mareykanka oo uu Noloshiisa dib u dhiso.

 

Waxa uu meel kafeega iyo macmacaanka laga cuno oo lagu magacaabo Tuts uu ka furtay goob ay degan yihiin dadka Hodanka ah oo ku taala banaanka magaalada San Francisco ee Gobolka California ee dalka Mareykanka.

 

Laakiin waa la  Xidhaay goobtaas bishii December 2018 iyagoo lagu bedelay maqaaxi Turki ah oo uu Ninkani a leeyahay.

Xiddiga ku guuleystay UEFA Cup islamarkaana Turkiga soo Gaadhsiiyay semi-finalka Koobka Adduuka ayaa yidhi: “Waxaan gaadhi u kaxeeyaa Uber, waxaan sidoo kale iibiyaa buugaagta. Waxaan bilaabayaa inaan Shaqeeyo haatan.

 

“Qof walba oo Xidhiidh  ila lahaa dhaqaale xumo ayaa soo wajahday.

“Wax ii hadhay ma jiraan. Malaayiin doolar oo Hanti ah ayaa iga Taala Turkiga, laakiin wax walba dowlada ayaa la wareegtay.

“Erdogan ayaa iga Qaatay wax walba, Xuquuqdeyda,Xoriyadayda , Xuquuqdeyda hadalka iyo Xuquuqdeyda Shaqada.

“Goobtii Ganacsi ee Xaaskeyga waa laga xidhay, Caruurteyda waa la handaday, Aabaheey isna xabsi ayaa la dhigay.

 

“Markii aan soo Aaday Mareykaka, Aabaheey waa la xidhay, Hantideydiina waa la qaatay.”

Sukur ayaa loo arkaa inuu yahay Xiddigii ugu weynaa ee kubada Cagta Turkiga soo Mara , Isla markaana  dhaliyay 52 gool 112 kulan uu u Saftay, waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Inter Milan, Torino, Parma iyo kooxda Dalkiisa ee Galatasaray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker