Kim John Un Oo Raisul Wasaaraha Japan ku Tilmaamay Doqon Aan la Socon Siyaasada.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Raisal-wasaaraha Japan ee Shinzo Abe ku tilmaantay inuu yahay qof doqon ah oo aan siyaasadda waxba ka ogeyn ka dib markii tijaabadii ugu dambeysay ee hubka Kuuriyada Waqooyi uu si khaldan u turjumay.

 

 

Ra’iisul wasaare Shinzo Abe ayaa Cambaareeyay tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi kuwaasoo uu ku sheegay inaysan dhamaad laheyn.

Warbaahinta dalka Japan ayaa maanta oo Sabti ah sheegay inay Kuuriyada Waqooyi ay gantaal blastic ah riddadiisuna  dheer tahay ay hawadeeda ku tijaabisay.

 

Kuuriyada Waqooyi ayaa laga mamnuucay iney tijaabiso gantaallada blastikada ka dib markii ay xayiraad ku soo rogtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaana xukuumadda Piyongyang saaran cadaadis iyo cunaqabateenno la Xidhiidha gantaallada ay sida isdaba joogga ah u tijaabiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker