Darawal Mooto Bajaaj oo iga dami Nalka darteed loogu dilay Muqdisho

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay darawal Mooto Bajaaj ku dilay waaxda Calasow dheere ee degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, Sarkaalka dilka geystay ayaana goobta ka baxsaday.

Dilka loo geystay darawalka Mooto Bajaaj ayaa yimid, kadib markii uu muran kooban uu soo kala dhex galay sarkaalka Booliska ka tirsan iyo darwalka, waxaana markii dambe muranka uu isku bedelay in rasaas lagu huwiyay darawalka oo ahaa wiil dhallinyaro ah.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh, Sababta loo dilay marxuumka ayaa lagu waxaa sheegay inay tahay nalka mootada oo uu ku shidan sarkaalka, kadibna uu sidaas xabad ugu dhuftay.

Qoyska marxuum Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh ayaa laamaha amniga dowladda ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigay sarkaalka ka danbeeyay dilka Cabdiraxiin, iyagoona tilmaamay in aan la aasi doonin marxuumka ilaa cadaala laga horgeynayo sarkaalka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo badanayay dilal iyo dhacdooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo qaarkood bulshada Soomaaliyeed ay aad uga naxeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker