Soomaalida Norway Oo Ka Walaacsan Baasaboorka Soomaaliga Ee La Aqoonsaday

Oslo(OWN)- Dawladda Norway ayaa shaacisay bishii August ee 2018-ka in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee weli aanan qaadanin jinsiyadda rasmiga ah ee dalkaas looga baahan yahay in loogu badalo baasaboor Soomaaliga sharciga ay ka haysataan dalkaasi .

 

Dadka ay arrintan saamaynayso ayaa horey loo siiyay waraaqaha socdaalka.

 

Baashe Muuse waa xubin ka tirsan golaha deegaanka magaalada Oslo, waxa uu BBC-da u sharaxay sida ay wax u jiraan ”Walaaca ugu weyn ee haysta jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway waxaan u qeybinaynaa labo, qeybta koowaad dadkii buuxiyay sharuudaha qaadashada sharciga wayn codsigoodii waa la hakiyay iyaga iyo carruurtooda ,waxaana lagu wargaliyay ama lagu qasbay in ay keenaan baasaboorka Soomaaliga, kiiskoodana aan lasii wadi karin,walaaca ugu weyn waa dadkan oo ka walwalsan in ay dawladu ku adkeysato in basaboorka Soomaaliga loo daayo badalkii lasiin lahaa dhalashada dalkaasi,qaybta labaad waa kuwa ka walaacsan in loo diido sharciga dalkaasi marka uu kadhaco sharciga yari laguna qasbo in ay dalkaasi ku joogaan baasaboor Soomaaliga”

 

Maxay tahay ujeedada dalwada Norway ka leedahay arrinkan?
Waqtiyadii ugu danbeeyey dalalka waqooyiga Yurub waxaa ku soo badanaya sharciyada lagu adkeynayo dadka magan-galyo doonka ah sidii loo dhimilahaa.

 

”Wali lama cadayn ujeedka ay dawlada norway ay ka leedahay arrinkan,anigoo ka duulaya cadaadiska nasoo fuulaya, waxaan ognahay in 1600 oo qof oo Soomaali ah oo haystay sharciga magan-galyo doonka oo dalkan yimid intii u dhaxaysay sannadkii 2012 ilaa 2104 lagala noqday sharcigii ay ku lahaayeen dalkan markii la gaaray waqtigii deganaanshaha rasmiga ah ay heli lahaayeen, arrinkan ayay dawladu ku sababaysay in dalkoodii Soomaaliya uu xasiloon yahay waqtigan, dadku waxey aaminsan yihiin in dawladu doonayso in ay u celiso dalkoodii” sida uu sheegay Bashe markale.

 

Culeys ka jira sida lagu helo baasaboorka Soomaaliga
Wali waxaa xidhan safaaradii Soomaalida ay ku lahayd dalalka Scandenivianka ee ku taalay Sweden,Dadka Soomaaliyeed ee Norway waxey u safraan safaarada ay Biljimka,

 

Dadweynahan ayaa codsanaya in loo fududeeyo adeega qaadashada baasaboorka oo waqtigan ah mid aad u culus sida safarka dheer iyo waqtiga la sugo oo badan.

 

Arrintan ayaa timid kadib markii ay dowladda Norway aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga ah oo meelo badan aanan loogu safri karin, waxaana xusid mudan in madaxda dalka ay ka midyihiin shaqsiyaad haysta baasaboorka Norway, lamase oga xiriirka ka dhaxeeya labada arrin.

Baashe Muuse

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker