Dadka Maraykanku Haddii Markale la Doortay Madaxwayne Trump, Maxay Filan karaan?

Waxay ila tahay in haddii afar sano oo kale ay xaaladdan ay sii socoto, in aanay waxba hari doonin. Waxba ma hari doonaan,” ayuu yiri Paul Auster.

“Waxaynu noqonaynaa dal uu maamulo kaligiitalis uu hago.”

Qoraaga buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah, The New York Trilogy, Moon Palace iyo midkii ugu dambeeyay ee 4321, wuxuuna  la hadlay BBC News Mundo.

 

 

Wuxuu madaxtinimada Donald Trump u arkaa in ay halis ku tahay dimuqraadiyadda Mareykanka, wuxuuna si xooggan ugu ololaynayaa inaan Trump dib loogu dooran xilka.

“Dalkayagu aad ayuu u kala qeybsanyahay, waxaana ku sii badanaya naceyb ay dadku isku qabaan,” ayuu yidhi qoraaga.

 

 

 

“Waxay u muuqataa inaan labo u kala jabannahay: kuwa jecel Tump iyo kuwa aan jeclayn.”

Wareysiga laga qaaday qoraaga ayaa lagu soo koobay qoraalkan.

Magaalada New York wax badan ayaad ku sheegtay buugaagtaada. Marka sidaad hadda u aragtaa magaaladaas iyo isbadelka ku dhacay cudurkan safmarka ah kaddib kaas oo si weyn u saameeyay magaalada?

New York taariikh wayn ayey leedahay.

 

Cudurro safmar ah ayaa ina soo maray iyo musiibooyin badan: Dagaal Sokeeye, xasuuq, weerraradii 9/11… iyo hergabkii 1918.

Cudurkanna waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinkaas magaalada soo maray. In mudda ahba, New York waxay aheyd meeshii ugu xumeyd caalamka markii la fiiriyo fayraska korona. Hasayeeshee si wanaagsan ayaan u maaraynay, waxaanan odhan lahaa, waxaynu ka wanaagsanayn qeyba badan oo dalka ah.

 

 

Si aayar ah, New York dib ayey markale u furmeysaa.Waxaa aadka u xun waa waxa ka dhacay gudaha dalka.

 

Dhibaatada rasmiga ah waxay tahay cidda madaxweynaha inoo ah, iyo dadka ka tirsan xisbigiisa ee ku loolamaya inuu wajaho xaalad degdeg ah oo qaran isagoo aan haysan siyaasad qaran.

 

 

Wax dan ah kama laha dhimashada dadka ka badan 170,000 ee qof ee cudurka illaa hadda uu dilay, iyo malaayiinta iyo malaayiinta qof ee uu cudurku ku dhacay.

Taasi waa waxa aan aadka uga walaacsanahay.

 

Taasi waa dhab! 9/11 waxa ay aheyd weerrar maalin qura dhacay, kaddibna waxa ay nagu qaadatay in aan bilooyin soo kabsanno. Arrintaas ma soo laaban.

Auster ayaa waxa uu u malaynayaa in fayraska korona uu New York ku reebay saamayn ka wayn weerraradii 9/11

Hasayeeshee bal ka warran haddii 9/11 ay maalinwalba dhacayso, haddaba markaas dhibaato joogto ah ayaad ku jireysaa. Sidaasna waa waxa halkan ka dhacay.

Bishii Abriil markii cudurka uu ugu darnaa, waxaa maalintii New York ku dhimanayay 700 ilaa 900 oo qof. Tiradaas aad ayey u badan tahay.

Tirada rasmiga ah ee dadka cudurka uu ku dhacay waxa ay ka yareed midda dhabta ah ee jirtay.

 

Dabcan waa sidaas! Siri iyo aniga waxaynu ka tirsannahay koox aynu sameynay oo lagu magacaabo “qoraayaasha ka soo horjeeda Trump” (writersagainsttrump.org).

 

  • Yoolkayagu waa da’yarta in aan ku qancinno, gaar ahaan kuwa aan doonayn in ay codeeyaan, inay maskaxdooda badalaan oo ay codeeyaan.

Shaqadeennu waa inaynu sameyno waxkasta ee aan awoodno, haddii aynu qoraa nahay iyo haddii kalaba, si aynu u xaqiijinno in Trump aanan dib loo soo dooran.

 

Kaddib 3 Nofeembar, [iyadoo aynu ka warsugayno codka lagu dhiibto boostada in la tirin doono], muddo bil ama laba ah ayaa inaga xigta doorasho taariikhi ah oo qulqulatooyin laga cabsi qabo, taas oo ah middii ugu horraysay ee sidaas ay dhacdo, tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Sokeeye.

Paul Auster ayaa sheegay in Mareykanka uu marayo heer “adag oo halis ah”

Ma kula tahay in dimuqraadiyadda Mareykanka ay halis ku jirto hadda?

 

Hubaashii halis ayeynu ku jirnaa! Afartii sano ee la soo dhaafay, Trump iyo maamulka Jamhuuriga waxay kala furfureen dowladnimadii guud ee Mareykanka.

Wakaalad walba oo ay aheyd in ay dalkan hagto ayaa la burburiyay.

 

Hay’adda ilaalisa deegaanka waxa ay meesha ka saartay shuruucdii iyo nidaamkii, marka dowladda waxay dhiiragelineysay wasakhaynta hawada.

Waxaa inoo jooga wasiir madax ka ah wasaaradda waxbarashada oo aanan aaminsanayn iskuullada dowladda.

 

 

Waxaa inoo jooga wasiir madax ka ah wasaaradda shaqaalaha kaas oo ka soo horjeeda danaha dadka shaqaynaya.

Wasaaradeenna Arrimaha Dibadda, shaqaale badan ayaanan weli la buuxin boosaskoodii, oo waxaa jira dalal aynaan safiir ku lahayn.

 

 

Wasaaradeenna Cadaaladda sharcigii ayey ka tallaabsatay waxa ayna noqotay goob ay waxay rabaan ka samaystaan Trump iyo Jamhuuriyiinta.

Arrintaas hadda ka hor weligeed kama aanay dhicin Mareykanka. Marka haa, dimuqraadiyadda halis ayey ku jirtaa.

 

Doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka 2020 waxaa loo ballansan yahay 3 November, hasayeeshee dad badan ayaa waxa ay rajaynayaan inay boostada ku codeeyaan

Trump waxa uu isku dayayaa inuu baabi’iyo codbixinta. Waxa uu xiri rabaa howlihii Xafiiska Boostada; weliba markii ay aheyd in ay awood badan la haato. Wuu burburiyay sababtoo ah waxa uu doonayaa in codadka boostada lagu dhiibto ay goor dambe soo dhacaan oo aanan la tirinin.

 

 

Afar sano oo kale oo aynu sidan ku sii jirno, waxa ay ila tahay in aanay waxba inoo harayn. Waxba inoo harimaayaan.

Waxaannu noqonaynaa dal kaligii taliye uu maamulo, arrintaas oo aanay afar sano ka hor cidina ku fakarayn inay dhici karto. Balse halkaas ayaannu si degdeg ah ugu wajahannahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker