Madaxweynaha Soomaaliya oo fara geliyay xiisadda u dhaxeysa NISA iyo Hormuud

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib loo furay xarunta weyn ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Bakaaraha iyo sidoo kale xarunta weyn ee Salaam Bank oo ku yaala isla Bakaaraha.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay taliyaha NISA, Mahad Salad, halka lagu wado inuu manta la kulmo mas’uuliyiinta shirkadda Hormuud.

Tan iyo markii uu soo baxay xiisadda u dhaxeysa NISA iyo Hormuud, qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaasi waxaana kamid ah:

Farmajo

Qoraal uu bartiisa facebook-ga soo dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu dhaliilay xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, taas oo uu ku sheegay mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed.

‘Dalkeennu waxa uu ka soo kabanayaa duruufo naafeeyey dhaqaalaheenna, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalkeenna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda’ ayuu yiri Farmaajo

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in dowladda uu waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga.

Xassan Cali Kheyre

Mas’uuliyiinta kale ee arrintan ka hadlay waxaa kamid ah, raysal wasaarihii hore ee dalka, Xassan Cali Kheyre oo isna sheegay inuu ka xun yahay arrintaas oo uu sheegay inaysan hore u dhicin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker