Hargeysa Oo Yeelan Doonta Goobaha Ay Dadweynuhu Ku Nastaan Ee Sidda Beeraha Iyo Goobaha Caruurta

Kulan Balaadhan Oo ay Maanta Yeesheen Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa Iyo Maamulka Fulinta ee Caasimadda, ayaa Si weyn loogaga doodday Arrimo Mihiim Ah Iyo helista Taariikhda Markii U Horeysay Ee Ay Caasimadda Hargeysa Yeelan doonta Goobaha danta Guud Ee Bulshadda Caasimadda waligood-ba tabayeen.
Shirkan oo Ahaa mid Toddobaadle ah Oo Ay Yeeshaan Toddobaadkii hal Mar Golaha Deegaanka Iyo Maamulka Dawladda Hoose ee Caasimaddu, Ayaa Ka Qabsoomay Xaruunta Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, Oo uu Shir-guddoominayey Duqa Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Md Cabdikariim Axmed Mooge, Isla-markaana ay Kasoo Qaybgaleen Guud Xubnaha Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Ee Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Caasimadda, Agaasime Waax-xeed-yadda Iyo Maamuleyaasha Shirkeddaha Nadaafadda.
Qoraal kooban Oo Ay Soo Saareen Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa, Isla-markaana Lagu baahiyey Barta Ay Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Ku Leedahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook, Ayaa Lagu Faahfaahiyey Ajan-dayaashii Ugu Mihiimsannaa Ee Lagaga doodday Shirka Toddobaadlaha Ee Ay yeeshaan Maamulka Dawladda Ee Caasimaddu, Waxaana diiradda Lagu Saaray helista Taariikhda Markii U Horeysay Ee Ay Caasimaddu Yeelan Doonto Goobaha danta Guud Sidda Ay Caasimaddaha kale ee la mid ka Ahi-ba u leeyihiin Goobahan.
Haddaba Nuqul Ka Mid Ah Qoraalka Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa Kula hadleen Dadweynihii Soo Doortay, Ayaa Siddan Lagu “28.8.2021 (Sabti), Kulankii maanta ee Todobaadlaha ahaa, kulan kaas oo ay ku kulmaan Dhammaan Maamulka Fulinta, Gudoomiyayaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan, Maamulka Shirkeddaha Nadaafadda.
Waxa Toddobaadkan ka mid ahaa qodobaddii ugu muhiimsanaa ee lagaga wada hadlay kulankaas.
1. In Dadweynaha Caasimadda Dagen lagu dhiiri-galiyo Inay iskood u soo bixiyaan cashuurta lana baro Qiimaha ay Cashuurta ay Biixiyaan u leedahay Caasimadda.
2. Qorshaynta Sidii loo guri lahaa Dhammaan dhaga-xaanta guryaha hor-yaala.
3. Qorshaynta Siddii loo Samayn lahaa goobo ay dadwaynuhu ku Nastaan Sida, beero, goobo ay caruurtu ku ciyaaran iyo goobo u gaar ah dadka waawayn.
4. In dadka lagu wacyi galiyo in ay qashinka ku hayaan guryahooda isla markaana ay la sugaan Shirkeddaha qaada qashinka.
5. Ka jawaabista Cabashada iyo Talooyinka ay dadku ka soo dhiibtaan lambarka cabashada ee dhawaan loo sameeyay Dadweynaha”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker