Kenya Oo Mar Kale Dalbatay Dib U Dhigista Dhegaysiga Dacwadda Badda, & ICC Oo 15-ka March Dhegaysan Doonta Dacwadda Badda

Maxkamadda Caalamiga Ah Ee Aduunka (ICC), ayaa 15-ka bisha saddexaad u balamisay dhegaysiga Dacwadda muranka Badda ee u dhexaysa Dalalka Somaaliya Iyo Kenya.

Murankan la Xidhiidha Badda ee ka dhex-taagan Somaaliya Iyo Kenya oo in badan soo jiitamayey, Isla-markaana ay mar hore Xukuumadda Federaalka Somaaliya ay ku guuleysatay, ayaa 15-ka bishan March loo balansan yahay dhegaysi Dacwadda, Kadib markii ay Dawladda Kenya racfaan ka Qaadatay xukunkii ay ICC ugu xukuntay Somaaliya lahaanshaha Badda.

Dawladda Kenya ay ku hawlan tahay baajinta Iyo dib u dhigista dhegaysiga Dacwadda ee 15-ka bisha March loo balansan yahay, U jeeddada ay Dawladda Kenya u dalbanayso dib u dhigista Dacwadda muranka Badda ayey ka Leedahay rajo ay ka qabto Isbadel Siyaasiya oo ka dhaca Muqdisho, Maadaama oo ay dhammaatay Muddo xileedkii Xukuumadda Federaalka Somaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo Iyadu xoog ugu adag ka midho dhalinta lahaanshaha Baddeeda.

Dhegaysiga Dacwadda muranka la Xidhiidha Badda ee u dhexaysa Somaaliya Iyo Kenya, ayaa kusoo beegmaysa wakhti uu dhammaaday afartii Sanno la doortay Madaxweyaha Dawladda Federaalka Somaaliya Md Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay Xukuumaddiisu meel adag iska taagtay sheegashadda Baddeeda ee Kenya. Iyadoo Dacwadda ICC gacanta ku haysanna kaga guulaystay hal mar oo loo xukumay lahaanshaha Baddeeda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker