Wasaaradda Waxbarashada Somaaliya Oo Fariin Adag U Dirtay Qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka somalia ayaa ku wargelisay Jaamacadaha ku xusan qoraalka hoose inay la xidhiidhaan Gudiga tacliinta qaran si loo dhameystiro habraaca diiwaangalineed ee aqoonsiga Jaamacadaha

Jaamacadahan ayaa horay loola xiidhiidhay  tiro 4 jeer oo ay ka soo jawaabi waayeen, iyadoo wararku sheegayaan iney diidan yihiin in baadhitaan lagu sameeyo tayadooda Waxbarasho.

“Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yihiin inay tahay fursadii ugu dambeysay ee ay heystaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare” ayaa lagu yidhi qoraalkaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker