Ilhan Cumar Oo Taaligelin Ka Bixisay Qoraal ay Twitter-ka Ku Qortay Isniintii

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Congresska Mareykanka waxay raaligelin ka bixisay qoraal ay Twitter-ka ku qortay Isniintii, oo muujinaya Xildhibaanada Mareykanku inay Israa’iil u taageeran ururrada u ol’oleeya awgeed.

 

Waxay kala kulantay cambaareyn in ay Qoraalkaasi ku tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

 

Xubbno ka tirsan Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka.

 

Ugu danbeyna waxay Ilhaan Cumar daabacday qoraal ay raaligelin uga bixinayso qoraalkii Twitter-ka, waxaana la rumeysanyahay in tillaabadan ay qaaday kadib markii ay wada hadleen Guddoomiyaha Aqalka Congress-ka .

 

Ilhaan Cumar waa gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotoa Aqalka Congross-ka Mareykanka, waxa laga soo doortaa Minnesota.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker