Ilhan Cumar Oo Qarka U Saaran Inay Noqoto Xildhibaan Ka Tirsan Congresska Maraykanka.

minnesota-(OWN)-Ilhan Cumar oo ah muwaadin Somali-American ah ayaa qarka u saaran inay noqoto qofkii ugu horeysay oo Somali-American ah,iyadoo qaxooti ahna timaada Maraykanka oo ku fadhiisata kursiga aqalka Kongresska dalka Maraykanka.

Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa aad loo rumeysan  yahay inay ka guuleysan karto Jeniifer Zielinski oo Jamhuuri ah doorashada lixda bishan ka dhacaysa dalka Maraykanka.

Gabadhan oo 36 sano jir ah ayaa  sheegtay in ay u tartamayso kursigan si u xaqiijiso in la dhimo dadka halganka ugu jira nolosha, waxayna timid dalka Maraykanka iyadoo 12 jir ah kadib markii ay ka soo carareen qoyskeeda dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.

“Ma fileyn inaan imaado Maraykanka oo aan wax la barto carruur walwal ka qabta inay helaan wax ay cunaan sidii aan hore ugu soo arkay markaan ku jirey xeryaha  qaxootiga dalka Kenya.”ayay tidhi Ilhan oo la wareystey.

Balse haddii ay guuleysato Ilhan ma saameyn doonto tirada kuraasta baarlamaanka ee xisbiga Dimuqraadiga maadaama Keith Ellison oo kursigaa ka tegeysa ay isku xisbi ahaayeen.

Hase yeeshee arrinta ah in Ilhan ay ka mid noqonayso Aqalka Wakiilada ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si weyn ugaga soo horjeedo qaxootiga soo gala dalka Maraykanka.

Image result for ilhan omar

Ilhan Omar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker