Daawo: Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka War-Bixiyey

Hargeysa (OWN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar maalmo qaatay dalka kaga maqnaa, ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud.

 

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker