Dabayl Dhulka La Sintay Dhismaha Suuq Loo Diyaariyey Dadkii Ay Dhibaataddu Ka Soo Gaadhay Suuqii Waaheen

Dabayl Dhulka La Sintay Dhismaha Suuq Loo Diyaariyey Dadkii Ay Dhibaataddu Ka Soo Gaadhay Suuqii Waaheen Ee Gubtay.
Suuqan Oo Ay Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Uga Diyaarisay Dadkii Ay Dhibaataddu Ka Soo Gaadhay Gubashaddii Suuqa Waaheen, Isla-markaana Ay Uga Dhistay Garoonka Kubadda Cagta Ee Xaafadda Liinka Bileyska Ee Bartamaha Caasimadda Hargeysa, Ayaa Waxa Guud Ahaanba Ay Dhulka La Sintay Dhismihii Suuqan Dabayl Rabbaaniya Oo Aan La Garanayn Waxa Sababay Haba Yaraatee.


Abaaro 1:35 Pm (Duhurnimo) Saacadda Magaaladda Hargeysa, Ayaa Waxaa Mar Kaliya Ay Ku War Heleen Shacabka Xaafadda laynka Booliska Deggan Iyo Dadkii kale Ee Ka Ag-dhawaa Goobtan Jiin-gaddo Iyo Looxaantii Uu Ka Sameysnaa Dhismaha Ku Meel Gaadhka ah Ee Suuqani Ee Xaafadda Liinka Bileyska Oo Hawadda Sare Ku Jira, Isla-markaana Is-Eryannaya (Is-baacsannaya).
Xiligan Ay Masiibaddani dhacaysay Muu Jirin Roob keenni kara Dabaylo, Xitaa Cirku ma’lahayn Wax Daruuro Oo Sababi Kara Dabaylo. Balse Waxay Ahayd Dabayl Muc-jiso ah Oo Meel kale Aan Ka Iman Oo Mar Kaliya Ka Hoos Kacday Uun Dhismaha (Hoostiisa) Suuqan Ku Meel Gaadhka ah, Kaasoo Waxyeello Aad U Balaadhan Gaadhsiisay Dhismihii Diyaarsannaa Ee Suuqa.
Jiin-gaddaha Iyo Qor-yaha Suuqan, Ayaa Dabayshu Ku Kala Tuur Dhul Aad U Kala Fog, kuwaasoo Laga Soo Ururiyey Markii Dambe Inta Badan Xaafadda Liinka Booliska Guddihiisa Ilaa Jidka Laamiga Ah Ee Waddnaha (Agagaarka Saldhiga Dhexe).

Ma jiraan Wax Dhaawac Ah Oo Weyni Oo Soo Gaadhay Dadweynaha Xaafadda Liinka Booliska, Marka Laga Reebo Mid Ka Mid Ah Ciidankii Booliska Ahaa Ee Il-laalo Ahaanta U Joogay Suuqa Oo Dhaawac Fududdi Madax-a Ka Soo Gaadhay Burburka Suuqa Ee Ay Sababtay Dabayshan Muc-jisadda Ahi.

Weriye  Khaddar Shiine  Oo Ka Mid Ah Shacabka La Jaarka Ah Suuqa, Isla-markaana Deggan Xaafadda Liinka Booliska Oo Gaadhay, Isla-markiiba Goobta Suuqa Ayey U Suurto-gashay Inuu Wax Ka Waydiiyo, Waxa Sababta Masiibaddan Khasaaraha Weyn U Geysatay Suuqa Mid Ka Mid Ah Ciidankii Il-laalladda Ahaa Ee Joogay Markii Ay Masiibadda Dabayshani Cagahoodda Ka Kacday, Ayaa Siddan Ku Jawaabay “Horta Aniga Iyo Ciidanka kale-ba, Waxaanu Ka Mid Ahayn Ciidankii Il-laalladda Suuqa U Lahaa Maanta (Shaqadda), Waxaanu Hoos Fadhinay Dhismaha, Waxaanu Mar Kaliya Ku War Helnay Uun Jiin-gaddihii Iyo Dhismihii Suuqa Ee Aanu Hoos Fadhinay Oo Dumaya, Waxaanu Isla Markiiba Eeg-nay Xaga Sare, Mise Waa Ay Qaawan Tahay Oo Cirkii Baa’ba Noo Muuqda. Iyaddoo Jiin-gaddihii Iyo Dhammaan Dhismihii Suuqu-ba Ee Nal-loo Soo Diray-ba Ay Hawadda Sare Ku Jiraan”

Askarigan Oo Sii Hadlayaa Wuxuu Yidhi “Walaahi Dabayshu Meel kaleba Kamay Imanne, Waxay Ka Kacday Cagahayga, Waxaan Odhan Karaa Uun Oo Kaliya Muc-jiso Rabbaaniya Ayey Ahayd, Sababta Oo ah Ma Jiro Wax Roob Oo Sababi Kara Dabayl Khasaaraha Intaa leeg keeni Karaa, Xitaa Cirku Malaha Wax daruur ah. Dhaawac Intaan Ogahay Ma Jiro, Laakiin Aniga Ayuu Madax-a Iga Soo Gaadhay Qori Igu Soo Dhacay” Ayuu Yidhi Deeq Oo Ka Mid Ahaa Il-laalladda Ciidanka Booliska Ee Suuqan.
Suuqan Ayaa Ka Mid Ahaa Dhawr Suuq Oo Ay Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Uga Diyaarisay Guddaha Caasimadda Dadkii Ay Dhibaataddu Ka Soo Gaadhay Gubashaddii Suuqa Waaheen, Waxaana La Filayey In Labadda Maalmood Ee Soo Socda Lagu Soo Rarro Ganacsataddii Dhibtu Soo Gaadhay Oo Si Ku Meel Gaadh Ah Ugu Sii Ganacsanaya Inta Loo Dhisayo Suuqooddii Waaheen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker