Dadka Itoobiya Oo Maanta U Dabaaldegaya Bilowda Sanadka 2013.

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Sanadka Cusub ee Itoobiya, ayaa muuqaal laga duubay Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa la arkayay isagoo ku lebisan dharka booliska taraafikada, isla markaana bixinaya kaararka sanadka cusub.

Dadka Itoobiya ayaa faallo ka bixiyay muuqaalkaas oo raadiyaha dowladda ee Fana uu ku soo wadaagay barta Facebook.

Waxaa la arki karaa isagoo qoslaya isla markaana la kaftamaya darawallada oo yaabban, isagoo ku sugan meel mashquul ah oo ka tirsan caasimadda Addis Ababa.

Dadka qaar ayaa cambaareeyay muuqaalkaas, iyagoo sheegay in Abiy looga fadhiyo inuu muhiimadda siiyo arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, balse dad badan oo barta Facebook isticmaala ayaa la dhacsanaa in ra`iisal wasaaruhu uu awooday inuu la qoslo dadka.

Dhinaca kale Booliiska Itoobiya ayaa mamnuucay in baaruud ama buleer loogu dabaal dego Sanadka Cusub ee dalkaas, iyadoo laga baqayo inuu colaad abuuro, sida uu tebiyay raadiyaha dowladda ee Fana.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay inay heleen war ah in shakhsiyaad ay qorsheynayaan inay fuliyaan weerar iyagoo ku dhex dhuumanaya buleerka.

Booliiska ayaa Addis Ababa ka soo ururiyay bamboo, afar bistooladood waxayna xireen 180 qof oo laga shakisan yahay, sida uus heegay afhayeenka oo lagu magacaabo Markos Tadese oo uu soo xigtay Fana.

Dadka Itoobiya ayaa maanta oo Jimco ah u dabaaldegaya bilowda sanadka 2013.

Khudbadda Sanadka Cusub ayuu Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ugu baaqay dadka inay rajeeyaan sanad cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker