Hooyada Dhashay Caa’isha Ilyaas Oo Kufsi iyo Dil Loogu Gaystay Gaalkacyo Oo Caddaalad-darro Ka Tirsanaysa Puntland

Hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh  yar oo kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ayaa  warbaahinta u sheegtay in kadib mudda 2 bilood ah oo ay caddaalad sugaysay ay shalay gurigeeda ugu yimaadeen saraakiil ka tirsan CD-da Puntland ayna weydiiyeen halkii Caa’isha lagu dilay iyo markii la dilay kadib halkii la soo dhigay.

 

Hooyadan ayaa caddaalad-darro ka sheegatay maamulka Puntland gaar ahaanna mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyadoo dalbatay in caddaalad loo sameeyo gabadheedii saqiirka ahayd ee sida foosha xun loo dilay.

 

Xubno kale oo ka tirsan qoyska gabadha ayaa iyagoo ilmaynaya maamulka puntland ka dalbaday in caddaalad loo sameeyo oo sharciga la horkeeno dadka loo hayo kufsigii iyo dilkii Caa’isha.

 

Halkan hoose ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker