Wefti Ka Socda Somaliland Oo Kulamo Gaar-gaar Ah La Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Dalka UK Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay.

UK-(OWN)-Wefti Culus Oo Ka Socda Somaliland Oo Kulamo Gaar-gaar Ah La Qaatay Masuuliyiin Xilal Sare Ka Haya Xukuumada Dalka UK Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay

Wafdagii uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ee uanbabaxaydalka Ingriiska aya kulamadoodiiugu horeeyay la qaatay qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee Maaliyadeed ee ka hawl gala dalka Ingriiska. Wafdigaka socday Somaliland waxa si diiraan usoo dhaweeyay Madaxdii shirkadaha ay la kulmeenwaxaana calanka Somaliland ee towxiidku ku xardhanyahay laga barbartaagay Calanka dawladda Ingriiska , taaso muujinaysa meeqaamka iyo ixtiraamka ay Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamka , inkasta oo aanay weli ictiraaf buuxa helin. Ujeedooyinka ugu waawayn ee Wafdigu ugu baxeen dalka Ingriiska waxa ka mid ah inay cilaaqaad lasoo sameeyaan baananka caalamka , aqoon korodhsi iyo inay la kulmaan Baanka Dhexe ee Ingriiska.

Wafdiga oo saddex cisho ku sugnaa Magaaladda London, waxay u sii gudbi doonaan magaalooyinka  Manchester iyo New Castle halkaaso oo ay kulamo muhiim ah kula yeelan doonaan shirkado Maaliyadeed ooxaruntoodu tahay magaalooyinkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker