Ugu Yaraan 8 Qof oo Ku Dhaawacmay Shil Ka Dhacay Jidka u dhexeeya Gabiley iyo Hargeysa.

Wadada u dhexeeya Magaalada Hargeysa iyo degmada Gabiley ayaa  buur ku taalla wadadaas ay ku soo duntay gaadiid ku socdaalayay laamiga.

Dad ayaa ku soo warramay in laba gaadhi oo mid uu ahaa nooca xamuulka qaado iyo mid kale oo siday dad shacab ay kusoo duntay buurta dhinaca barri ka xigta kaantaroolka Caabdula ee Hargeysa, xili labada gaadhi ay hareer marayeen buurta.

Inta la xaqiijiyay 8 qof oo saarnaa gaadhiga rakaabka ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo la geeyay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker