Wasiirka Isgaadhsiinta oo Wareegto ku Joojiyey Xayeysiisyada Dadka Loogu Diro Telefoonadooda

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tegnoolajiyada Somaliland ayaa wareegto ka soo saartay fariimaha shirkadaha isgaadhsiintu u gubiyaan bulashada adeegyadooda isticmaasha.

Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradaas isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa lagu sheegay in talaabo laga qaadi doono shirkadda amaradaas u hogaansami wayda.

Haddaba wareegtadan oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa u dhigneyd sidan.

“Wareegto wasiir oo nidaaminaysa fariimaha xanbaarsan xayaysiisyada, ogeysiisyada, oo hirgeli doonta kowda bisha January 1/1/2022 kana kooban qodobadan soo soda.

1 In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda adeegyada isgaadhsiineed ee ay iagu bixinayaan oo kali ah.

2 In fariimaha isgaadhsiineed ee xanbaarsan xayaysiisyada, ogaysiisyada ay shirkadaha isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaanshiyo laga helayo macmiilka.

3 In fariin kasta oo uu macmiilku helayo isla markaana xanbaarsan xaysiis, ogeysiis cid kale leedahay lahaato qayb awood u siinaysa macmiilka in uu iska xidhi karo, joojin karo.

4 In laga qaado shirkadda jabisa wareegtadan ganaaxyada uu qeexayo qodobka 73-aad ee xeerka boosha iyo isgaadhsiinta Somaliland Xeer.Lr.50/2020.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker