Saraakiil u dhalatay Iran oo janaraalo ay ku jiraan oo lagu dilay dalka Suuriya

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa gelinkii dambe ee Isniintii garaacay Dhismaha Qunsuliyadda Iran ee ku taala Magaalada Dimishiq (Damascus) ee dalkaasi Suuriya.

Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in 7 sarkaal lagu dilay weerarka xagga cirka ah ee ka dhacay Caasimadda Dimishiq.

Taliska ayaa xaqiijiyay in saraakiisha la dilay ay laba ka mida ahaayeen janaraalo, isla-markaana ay ka tirsanaayeen Ciidamada Qudus, oo ah garab ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

Saraakiishan ayay magacyadooda ku kala sheegeen General Mohammad Reza Zahedi iyo General Mohammad Hadi Haji-Rahimi, kuwaa oo ahaa la taliyeyaal sare oo militari.

Dowladaha Iran iyo Suuriya ayaa cambaareeyay weerarka lagu burburiyay dhismaha ku dhow Xarunta Safaaradda Iran.

Wasaaradda Difaaca Suuriya ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay beegsadeen dhismahaasi, oo ku yaala waddo weyn oo ku taala galbeedka Degmada Mezzeh.

Warbaahinta Dowladda Iran ayaa ku warantay in General Zahedi oo 63 jir ah uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Qudus, qaybtooda hawlgalada dibadda ee Ilaalada Kacaanka, isla-markaana uu taliye ka soo noqday Lubnaan iyo Suuriya, intii u dhaxeysay 2008 illaa 2016. General Haji-Rahimi ayaa isna kuxigeen u ahaa General Zahedi.

Safiirka Iran ee dalkaasi, Danjire Hossein Akbari ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee F-35 ay si xun u garaaceen Qaybta Qunsuliyadda ee Safaaradda.

Safiirka ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah diblomaasiyiintooda ay ku dhinteen weerarkaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa iska diiday in ay wax faallo ah ka bixiyaan weerarka, iyadoona laga cabsi qabo in weerarkan uu sii xumeeyo xaaladda Bariga Dhexe.

Israel ayaa dhawaan qiratay in sanadihii ugu dambeeyay ay boqolaal weerar ah ka fulisay bartilmaameedyo ku yaala dalka Suuriya, oo sida ay sheegtay xiriir la leh Iran iyo kooxaha hubeysan ee ay taageerto. Tel Aviv ayaa Ilaalada Kacaanka ku eedeysay inay tababaraan kooxahaasi.

20-kii bishii January ayay ahayd, markii Israel ay duqayn ka dhacday Magaalada Dimishiq ku dishay 5 sarkaal oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, waxaana ka sii horreyay weerar kale oo 25-kii bishii December ka dhacay dalkaasi Suuriya, ayna ku dishay janan kale oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka, kaas oo lagu magacaabi jiray General Sayyed Razi Mousav.

Jananka ayaa qaabilsanaa iskudubaridka isbahaysiga militari ee u dhaxeeya Iran iyo Suuriya, waana qayb muhiim oo ka mid ah shabakadaha gobolka ee Iran taageerto ee loo yaqaano (Dhidibka iska caabinta).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker