Muhaajiriin Badan Oo Wali ku Xayiran Xuduudda Belarus iyo Poland

Dad magangalyo doon ah oo ka yimid waddamo ku yaala bariga dhexe, ayaa ku xaniban xadka u dhexeeya dalalka Belarus iyo Poland, kuwaa oo damacsan in ay halkaas ka sii gudbaan.

Kumanaan tahriibayaal ah oo u badan Ciraaqiyiin, ayaa wali ku xanibnaa xadka ay wadagaan Belarus iyo Poland, iyadoo heerkulka habeenkii uu ka hooseeyo Eber.

Dadka magangala doonaka ah ee halkaas ku xayiran ayaa sheegay in ay haysato xaalad adag oo dhanka noolasha ah.

“Waan daalanahay waana xanuunsanahay,” ayuu yidhi 28 jir Ciraaqi ah oo magaciisa ku soo gaabiyay Bakar, kaasi oo sheegay inuu ka yimid Al-Anbar.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in berri oo Khamiis ah ay billaabayaan duulimaadyada dib loogu soo celinaayo dadka reer Ciraaq ee ku xayiran qeybo kamid ah xuduudda u dhexeeysa dalalka Belarus iyo Poland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker