Degmada Ceelbilcile Ee Gobolka Daadmadheedh Oo Loo Dhisayo Xaruntan Hooyada iyo Dhalaanka

Masuuliyiinta Gobolka Daadmadheedh  ayaa maanta(Shalay) degaanka Ceelbilcile ka dhagax dhigay dhisme loo dhisaayo degaankaas, kaas oo noqon doona xarunta hooyadda iyo dhalaanka ee degaankaasi.

 

Waxaa madasha dhagax dhigani ka dhacaayey goob joog ka ahaa  isu duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Daad Madheedh iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

 

Waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay guddoomiyaha degaanka Ceelbilcile iyo xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka degmada Oodweyne ,waxaanay sheegeen in dawladda hoose ee degmada Oodweyne ay go’aansatay in ay xaruntan Hooyada iyo Dhalaanka ka dhisto degaankan kadib markii ay qiimayn ku samaysay goobaha ay mashaariicda ka fulinayso iyo waxyaalaha ay u baahan yihiin.

 

Isu Duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Daad Madheedh  Cabdirashiid Maxamuud Gahayr  iyo masuuliyiin kale  oo goobtaas iyaguna ka hadlay ayaa sheegay in degaankani yahay degaan ay ku xeeran yihiin dad badan oo hareero yaalla,sidaas darteedna iyaga oo fulinaaya siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi in ay go’aansadeen in ay goobtan ka dhisaan xaruntan Hooyadda iyo dhalaanka , waxaanay balan qaadeen in ay keeni doonaan agabkii caafimaad ee looga baahnaa goobtan , si loogu shaqeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker