Laba jabhadood oo cadow isku ahaa oo Abiy Axmed u sheshiiyey.

Hoggaanka Jabhadaha TPLF iyo OLF-SHANE ayaa shaaca ka qaaday inay ku heshiiyeen in isbeheysi mideysan ay sameystaan oo ay kula dagallamaan Dowladda Abiy Axmed uu hoggaamiyo ee Itoobiya.

Hoggaamiyaha Ciidamada Jabhadda OLF, garabka Shane Kumsaa Diribaa, oo wakaaladda wararka AP u warramay iyo hoggaanka TPLF, Debretsion Gebre-Michael oo u warramay wakaaladda wararka ee Ruters, waxay sheegeen in labadasi Jabhadood ay ku heshiiyeen inay mideeyaan dagaalka ay dowladda Itoobiya kula jiraan.

Dowladda Itoobiya waxay marar badan sheegi jirtay in labadasi jabhadood ay yihiin kuwa halis ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka, xiriina uu ka dhaxeeyo.

Baarlamaanka Itoobiyana ayaa muddo bilo ka hor, labadaasi jabhadood u aqoonsaday inay yihiin uruuro argagixiso.

Jabhadda OLF-Shane oo ka dagaallanto galbeedka iyo koonfurta deegaanka Oromiya, waxay dowladda Itoobiya ku eedeyneysay in ay ka dambeysay weerarrada isir beegsiga ah ee ka dhaca galbeedka dalkaas.

Laga billaabo bishii November ee sannadki hore, dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa jabhadda TPLF, oo xilligaas ku koobnaa gudaha deegaanka Tigray, wuxuu hadda u gudbay deegannada Amxaarada iyo Canfarta oo ay haatan dagaalladu ka socdaan.
“Xalka keli ah ee hadda suurageli kara wuxuu yahay in afka ay dowladda fahmeyso lagula hadlo, kaas oo ah qori caaraddiisa, si xukumadda jirta xilka looga tuuro,” ayuu yidhi hoggaamiyaha ciidamada ‘Xorriyad doonka’ Oromada (OLF-Shane), Kumsaa Diribaa oo AP u warramay.

Kumsaa waxaa kale uu sheegay in urukooda heshiska ay la galeen ee TPLF uu ku yimid codsi toddobaadyo ka hor uga yimid dhanka hoggaanka Jabhadda Tigray ee TPLF.

“Cadowga aan wada leennahay inaan iskaashi ciidan kaga hortagno ayaan heshiis ka gaarnay, waxaana heshiisyadaasi ka mid ah in aan xogaha dagaalka isweydaarsanno, inakastoo aynaan isku aag ka dagaallameynin, haddana xaaladaha fududeynayo haddii ay dhacaan in aan meel ka wada dagaallanno,” ayuu yidhi.
Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebre-Michael, oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu dhankiisa sheegay in heshiiskaasi uu jiro balse faahfaahin intaa dheer kama uusan bixinin.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, wuxuu wakaladda wararka Reuters u sheegay inea socdaan wadahadallo lagu gaari doono heshiis buuxa.

Wuxuuna intaa ku daray: “In aan wada shaqeyn la yeelano cid kasta oo ay quseyso mustaqbalka Itoobiya, wax cusub ma ahan.”

Kumsaa Diriba dhankiisa wuxuu sheegay inay socdaan wadahadallo ku saabsan iskaashi siyaasadeed oo lagu lifaaqo iskaashiga ciidan, si “dowladda talada dalka Itoobiya hayso looga tuuro”, ayuu yidhi.
Afhayeenka Ra’isal wasaraha Itoobiya, Bilene Siyum, oo ka hadashay isbahaysiga TPLF iyo OLF-Shane ay ku dhawaaqeen, waxay ka gaabsatay inay arrintaa faahfaahin ka bixiso, balse waxay sheegtay oo keli ah inay labadaasi Jabhadood yihiin kuwo baarlamaanka Itoobiya uu ku daray liiska aggagixisada.

TPLF oo talada dalka Itoobiya soo haysey in ka badan 27 sano, ayaa seddex sana ka hor kacdoon shacab xilka looga tuuray, sidaana waxay ku waysay doorki siyaasadda dalka Itoobiya.

Arrintaasi waxay sababtay in ay mucaaradaan dowladda Abiy Axmed oo curatay sannadkii 2018-kii. Ugu dambeyn arrintaas waxay gaartay dagaal ka dhex qarxay TPLF iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

Jabhadda OLF oo muddo dheer dagaal kula soo jirtay dowladda Itoobiya, muddo waxay fariisin ku lahayd magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo tababaro ay ku qaadan jireen askarteeda.

Ujeedadii loo aasaasay waxay ahayd la dagaallanka dowladdii Zanawi ee TPLF ay hoggaanka u haysay, Waxayna raadinayeen in Oromada ay ka xuroobaan dawladdaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker