Tarada gabdhaha lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah oo korodhay

Tirada haweenka iyo gabdhaha lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah ayaa kor u kacday 15% siddeedii sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef.

Hadda waxaa dunida ku nool 230 milyan oo haween iyo gabdho ah oo lagu sameeyay gudniinka fircooniga, ayay tiri Unicef, taasoo 30 milyan ka badan xogtii hore.

Inta badan kuwan waxay ku sugan yihiin Afrika, oo ay ku jiraan in ka badan 144 milyan, Aasiya oo ay ku nool yihiin (80 milyan) iyo Bariga Dhexe oo ah (lix milyan).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker