Kooxda DAACISH Oo Albaabada Isugu Dhufatay Suuqa Ugu Weyn Deegaanada Soomaalida Ee Muqdisho

Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho caasimadda waddanka Soomaaliya qeybo badan ayaa xidhnaa maanta oo Arbaca ah.

Waxa la sheegay in sababtu tahay kooxda hubeysan ee Daacish awaamiir canshuur bixin ah oo ay dul dhigtay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ganacsatada magaaladaasi. Waxaa xidhan inta badan dukaamada iibiya qalabka dhismaha ee ku fidsan Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha ama sida dadka badi u yaqaanaan Jid Mareexaanka, waxaa kaloo xidhan inta badan dukaamada iibiya Alaabta Bagaashka ah iyo qeybo kamid ah kuwa iibiya Daawada. Kooxda la yidhaahdo Daacish ayaa maalmihii lasoo dhaafay culeys xoog leh saartay Ganacsatada Magaalada Muqdisho, si gaar ah kuwa Suuqa Bakaaraha, sidaas waxaa noo xaqiijiyey illaa 4 qof oo kala duwan oo kamid ah Ganacsatada waaweyn ee Suuqa Bakaaraha. Dhawaan waxaa la sheegay inay kooxdaan qarxisay meel u dhow Shirkadda Muumin Group, ujeedaduna ay ahayd waxaa lagu sheegay “is furta oo Lacag bixiya.” Ganacsatada ayaa la sheegay inay isku waafaqi waayeen lacag bixinta, waxayna saaka badankood qaateen go’aan ah inay xiraan goobaha ganacsiga. Waxay sheegeen ganacsatada aan la hadalnay inaysan bixin karin lacagta lacagta ay kooxda rabto maadaama sida caadiga ah ay bixiyaan laba canshuur oo kala duwan oo kala ah midda dowladda iyo tan Al-Shabaab.

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bixiyaan cashuuro saddex geesood ah oo ay ka kala qaadaan Dawladda Taagta daran ee Villa Soomaaliya fadhida, Kooxda Alshabaab iyo Kooxdan Daacish.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker