Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay 9 kalena wey ku dhaawacmeen qaraxa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyo uu la socday taliyaha booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole oo weerarka ka badbaaday.

Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dhimashada 5 hof inkastoo warar madax banaan ay tirada intaas ka badinayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker