Wiil Somali Ah Oo Lagu Dilay Dalka New Zealand Iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa lagu dilay wiil Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku dhufteen shakhsiyaad ay weli ku raad joogaan booliska magaaladaas, iyadoo ay socdo baaritaan la xiriira dilkiisa.

Auckland ayaa ka mid ah magaalaayinka ay Soomalida ugu badan ee waddanka New Zealand ay deganyihiin, waxaana wiilka la dilay ay da’diisu u dhaxeeysay 20 ilaa 30.

Cabduqaadir Maxamed Xasan oo kamid ah Soomalida kunool Magaalada Auckland ayaa sheegay in dilka Wiilka Soomaliga ah markii uu dhacayay aysan ka warheyn qoyskiisa, hayeeshee Ciidamada Booliska Magaalada kusoo wargeliyeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay socdaan dadaalo ay wadaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomalida , kaas oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa dilalka soo laab laabtay.

Qaar kamid ah Qoyska Wiilka Soomaliga ah ee la dilay ayaa waxaa ay dalbadeen in uu cadaalad helo Wiilkooda, iyaga oo booliska ugu baaqay inay sameeyaan baaritaan la xiriira sababta loo dilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker