Somaliland Oo War Kasoo Saartay Weerarka Ka Dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

Nairobi-(OWN)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya.

Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker