Mohammed Bin Salmaan oo Gabadh ka Tirsan Qoyska Reer Boqor si Qarsoodi ah u Xidhay

Riyadh (OWN) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa lagu soo Warramay inuu Afduubtay inaadeertiis Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz, taasi oo la La’aa muddo Sanad ah, sida uu weriyey wargeyska ABC ee dalka Spain.

 

 

Sida uu qoray Wargeysku, koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii February 2019 yimid guriga Basmah ee magaalada Jeddad, xilli ay ayada iyo qoyskeedu  isku Diyaarinayeen inay Arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland.

 

 

Wargeyska ayaa sheegay in Basmah, oo ku caan baxday u Ololeynta Xuquuqda Dumarka iyo is-beddel siyaasadeed oo ka dhaca Boqortooyada, kadib lagu Xidhay xabsiga Al-Hayer, oo muddo sanad ah ay ku jirto.

 

Ilo-wareedyo ku dhow Amiiradda ayaa wargeyska u sheegay in Basmah ay ku jirto qolka    108 B ee xabsiga, loona ogol yahay inay qoyskeeda la xiriirto hal mar oo kaliya toddobaadkii.

Valueimpression Placeholder

Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato.

 

 

Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabaheed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaalada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla akoono ku yaalla bankiyada Switzerland.

 

 

Wargeyska ABC ayaa intaas ku daray in ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ay u sheegeen in Amiirad Basmah lagu hayn doono xabsiga illaa ay ka Tanaasusho sheegashada hantida Aabaheed.

 

 

Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xabsiga Al-Hayer, ee sida weyn loo ilaaliyo amnigiisa.

Ilo-wareedyo ku dhow Basmah ayaa sheegay in Loo Xidhay tuhunno ku saabsan inay qorsheyneysay inaysan soo laaban marka ay tagto Switzerland oo ay U baxaysay Arrimo caafimaad, ayada oo ay wehliso gabadh ay dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker