Daawo:-Madaxweyne Farmaajo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Carruurta Marxuum Wariye Cawil Daahir.

Muqdisho-(OWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa waxaa ku booqday qaar ka mid ah carruurtii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteen Wariye Cawil Daahir Salaad oo 22-kii bishan ku geeriyooday Qaraxa ay dhagar qabayaasha Al-Shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

“Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin waddani ah, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, hal abuur leh, dowlad-dhisidda Soomaaliyana kaalin muuqata ka geystay,” ayuu ku yidhi madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Sidoo kale,Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay iney muhiim tahay in la maamuuso dadka waxtarka u leh Bulshada sida Cawil oo kale lana sii xoojiyo aragtidii wanaagsaneyd ay xambaarsanaayeen.

“Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil oo kale waxay naga mudanyihiin in la maamuuso oo aragtiyadii wanaagsanaa ee ay xambaarsanaayeena lasii xoojiyo,argagixisada dilaysa haldoorka ummadda Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo aan meel uga soo wada jeesannaa,” ayuu ku yidhi madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker