Wasiirka Arimaha Dibedda JSL Faratoon Oo La Kulmay Danjiraha Itoobiya u Fadhiya Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,  ayaa la kulmay Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

 

Wasiir Faratoon  ayaa sheegay in Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa uu maanta booqasho ugu yimid xafiiskiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

 

Yaasiin Maxamuud Xiir Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitterka uu ku iftiimiyey  in ay  labada dal ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida.

 

Waxa kaloo uu Wasiirku ku dooday in iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid saacidaya  ammaanka Mandaqada oo dhan.

 

Oodweynenews Main office
webmaster@Oodweynenews.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker