Maanta Oo la Filayo In Lagu Dhawaaqo Natiijooyinka Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Golaha Wakiilada Gobolka Maroodijeex

Waxaa Maanta oo sabti ah la filayaa  in Guddiga Komishinka Somaliland ay ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee degmooyinka hadhsan ee doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka oo halkaas ka dhacday 31-kii May.

Guddiga Komishinka ayaa maalmihii lasoo dhaafay natiijooyinka doorashadii Golaha wakiillada ee shan gobol oo ka mid ah lixda Gobol ay ka kooban tahay Somaliland si hordhac ah u shaacinayay, iyadona oo weli hadhsan yihiin degmooyinka caasimadda hargeysa iyo Golaha wakiilada gobolka maroodijeex.

Doorashada golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka  somaliland ayaa la qabtay toddobaadkii tagay markaas oo boqollaal kun oo qof ay codkooda dhiibteen, iyadoo boqollaal musharraxiin ahna ay kuraasta kala duwan ku tartamayeen.

Goleyaasha deegaanka oo ka kooban 20 degmo doorasho, ayaa si horudhac loo shaaciyay 18 degmo oo ka mid ah, iyadoo labada harsan ay kala yihiin Hargeysa  maanta la filaayo in lagu dhawaaqo.

Doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo aqalka wakiillada oo ay ku tartamayeen 798 musharrax, waxaa haween ka ahaa 28 keliya.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay natiijooyinka doorashooyinka golaha deegaanka iyo golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku soo baxay laba haween ah oo keliya  kuwaas oo  ka soo baxay golaha deegaanka xudun iyo taleex. .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker